ciyaar ka dhacday magaalada ceerigaabo

Ciyaar kadhacday magaalada ceerigaabo

Posted by ceerigaabo on April 19, 2008

ceerigaabo.wordpress.com.19.04.2008

ciyaar ay iskula kulmeen labada gobol ee sanaag iyo sool gaar ahaan magaaada ceerigaabo halkaas oo ay labadaa tiin fooda isdareen ciyaar taas oo maan ta gobol kaceerigaabo aadlaaxiisaynaayey oo maan ta dad waynaha magaalada ay is kugu soobaxeen garoon ka wayn ee magaalada hal kaas oo ay ciyar taasi ay kudhamaatay 2 and 0 waxaana labada kubadiyey tiin ka laascaanood

ceerigaabo.wordpress.com
siciid_32@hotmail.com

Posted in Uncategorized | No Comments »

Laascaanood oo kacabanaya sicirbarar ba,an oo kudhuftay

Posted by ceerigaabo on April 19, 2008

laascaanood oo ka cabanaya Sicir Bararbaahsan oo ku dhuftay

Laascaanood(ceerigaabo.wordpress.com)Dadwaynaha reer laascaanood ayaa ka cabanaya sixir barar kaga yimi dhanka maciishada ka dib markii uu cirka isku shareeray sarifka lacagta looyaaqano doollarka taas oo keentay in ay qaaliyoobaan wax yaabihii laquutan jiray oo ay ka mid yihiin raashinka iyo qudaarta iyo shidaalka noocyadiisa kala gadisan.

Waxa intaa dheer dad iyagu kala soo bixi jiray nololmaalmeedkoda suuq yada magalaada laascaanood oo haatan aad uga qaylinaya sixir bararkaas iyadoo ay jiraan Maamul hoostaga S/land islamrkaan ka qaata cashuuraha guryaha iyo waliba suuqyada ay dadwaynu kalasoo baxaan nolol maalmeedkooda ayaa waxad mooda in ay aad ugu hurdaan dalka dhibaatada haysta.

Sida ay noo xaqiijiyeen dad ka ganacsada suuqyada magaalada laascaanood ayaa aad uga cabanaya meelaha ay kala soo degaan alaabadooda oo ay ka mid yihiin boosaaso iyo berbera Isku soo wada duubo xaalada jawiga magaalada ayaa aad u degan iyadoo ay u dheer yihiin abaaro ba,an oo ka jiraha deegaanka sool

Si kastaba ha ahaatee dadwaynaha reer laascaanood ayaa baaq ku soo jeedinay in ay u samafalaan dadka ganacsiga waawayn keena magaalada islamarkaana ay dejiyaan doolarkan kor u sii socda

Weriye madaxbanaan liibaan mukhtaar rabadan
sanaag

rabadaan.wordpress.com
Email rabadaan1@hotmail.com

Posted in Uncategorized | 1 Comment »

Xaalada macaashida halkay kamarayso ceerigaabo

Posted by ceerigaabo on April 19, 2008

Xaalada macayshadu halkay ka marayso magaalada ceerigaabo

Waxaan maanta soo indha indheeyey xaalada macayshadu ka marayso magaalada ceerigaabo, iyada oo beryhan danbe si xawli ah ku sii kordheysey koru kaca quutal- daruuriga ayaan waraysi kula soo yeeshay mid ka mid ah bakhaarleyda magaalda ceerigaabo oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Cumar. Waxaan weydiiyey bal ka waran xaalada maanta sicirku marayo wuxuu ii sheegay in,
Kiishka bariisk nooca 1aad 50$ = 1550.000 Sh.so
Nooca 2aad 40$ = 1240.000 “
Kiisha Daqiiqda 40$ = 1240.000

Kiishka sonkorta 29$ = 872.000
Jirikaan Saliida 31$ = 933.000
Baaasto Karton 14$ = 421.000
Caano cost/ amis 1dasad 16$ = 481.000
Timir 1karton 12$ 361.000

Sarifka 100$ isaga oo kka jooga magaalda ceerigaabo 3100.000sh so ah
Isaga oo sarifku laba bilood ka hor ahaa 100$ = 1800.000 ayuu mudadaas bisha gaadhaysa booday lacag 1200.000 hadba dadka magaalda ku nooli walaac aad u weyni soo hadheyey iyaga oo isweydiinaya sidee la yeelayaa hadii arimahani sii socdaan.

Author:rabadaan.wordpress.com
Email: “(rabadaan1@hotmail.com)

Posted in Uncategorized | No Comments »

Badhsaab kii hore ee togdheer oo xilkii wareejiyey

Posted by ceerigaabo on April 19, 2008

burco(ceerigaabo.wordpress.com)Munaasibad balaadhan oo loogu talo galay xil-wareejinta Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Togdheer ayaa lagu qabtay Xarunta Maamulka ee Gobalka Togdheer.
Munaasibadan oo ahayd tii ugu cuslayd ee xilka gobalka lagula kala wareego, isla markaana ay soo qaban qaabisay xarunta maamulka waxaa ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Daakhiliga, laba Gudoomiye ee xilalka la kala wareegay, Madaxda Dawlada, Hayadaha Samafalka iyo kuwa Wadaniga iyo weliba boqolaal qof oo ka mida dadweynaha Burco.
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Daakhiliga Axmed Aadan Ismaaciil oo hadalka jeediyey xil wareejintan ayaa daboolka ka qaaday inay wasaarada dhaakhilga, iyadoo iftiiminaysa jidka aqoonsiga iyo nabadaynta ay xaqiijin doonto in awooda gobolada ay noqdaan kuwa u gaar tahay Agaasimaha Daakhilga , waxaa kale oo uu ku dhawaaqay inay gobolada iyo degmooyinka cusub ay magacaabi doonaan madax hagta sida loo dhaqaajin lahaa arimaha nabad gelyada.
“Gudoomiyaha hore wuxuu kaga duwan yahay kuwii hore oo ma caytamin waana laga yaabaa in loo yeedho “ ayuu yidhi.
Gudoomiyaha Cusub ee xilka la wareegay Jaamac C/laahi Warsame (Biin) ayaa waxaa isaguna ka dalbaday shacbiga Burco inay ku gar gaaraan siday ula shaqayn lahaayeen Gudoomiyahan waxaa kale oo uu balanqaad ku sheegay inuu talada gobolka ay noqoto mid talo-wadaaga ku wadi doono, “Nina kor kiisa biyo kalama hadho “ ayuu yidhi., waxaanu ka dalbaday Gudoomiyaha hore inuu ula shaqeeyo si fiican.
Todobaadkan gudihiisa ayaa war saxaafadeed ka soo baxay xarunta- madaxtooyada waxaa xilka lagaga qaaday gudoomiyihii ugu mudada dheeraa ee gobalka togdheer Cabdi Xuseen Dheere oo xilka hayey muddo shan sano iyo dheeraad.
Sidoo kalena Gudoomiyihii xilka laga qaaday Cabdi Xuseen Dheere ayaa isaguna wuxuu xil wareejintan kaga hadlay khudbad sagootin ah oo uu kaga hadlay dhinacyada waxqabadkiisa Nabad gelyada, Siyaasada iyo weliba halka mustaqbalka liishanka saarayn.
Gudoomiyaha isaga oo ka hadlay dhinaca nabadgalyada waxa u sheegay inay gobalka ka dhaceen mudadii uu joogay 140 kiis oo dila oo ku dhamaaday jawi degan, isla markaana dhinaca dhaqaalaha ay jiraan caqabado badan waxaa kale oo warkiisa ku sheegay inay gobalka ka qabsoomaan mudadii uu joogay mashaariic la xidhiidha Jaamacada Burco, Dugsiga Caafimaadka, Biriijka, iyo Wershadaha ay samaysteen shacbiga, “Aniga shan sano iyo bil ayaan joogay hadana saacad ma ahayn , balse aniga erigayga mabsuud ayaan ku ahay” ayuu yidhi.
Gudoomiyahan waxaa kale oo uu xusay inay xukuumada S/land ay kaalin mug leh ka qaadatay hawlihii Gurmadka Abaaraha, isla markaana uu hayadaha dawlada ee uu wareejinayo oo si gaara u xusay Wasaarada Waxbarashada iyo Wasiirkeeda oo uu sheegay inay gobalka ka qabteen hawl muuqata.
Dhinaca kalena Gudoomiyaha Cusub ee Gobalka Togdheer Jaamac C/laahi Warsame Biin oo noqon doona Gudoomiyihii Shanaad ee xilka qabta ayaa waxaa ku beegmay xili ay ka jiraan Gobalka Togdheer duruufa la xidhiidha dhinaca abaaraha iyo weliba saameynta Doorashooyinka soo socda.

Posted in Uncategorized | No Comments »

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya dagaal galabta ka dhacey Xareryaale.

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

ceerigaabo.wordpress.com.18.04.2008
Iska hor’imaad xoogan oo galabta Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed iyo ciidamo ka tirsan dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga Itoobiya ku dhex marey isgoyska Xareryaale ee degmada wardhiigley, warar dheeraad ah oo ka soo baxayaa waxa ay sheegayaan in halkaa ciidanka dowlada KMG ah looga diley inta la arkay ilaa 3 askari oo ka mid ah ciidamadii halkaa ku sugnaa.

Sidoo kale waxa jira dhaawacyo aan si rasmi ah loo ogeyn tiro ahaan, oo ciidanka dowlada KMG ah ka soo gaarey dagaalkii galabta ka dhacey qeybo ka mid ah degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan, la isuna adeegsadey hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxaa sidoo kale wararku intaa ku darayaan in Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed la wareegeen fariisimadii halkaa ay uga sugnaayeen ciidanka dowlada KMG ah, ka dib markii ay u carareen dhinaca Madaxtooyada.

Dagaal ayaa meelaha u sida xooga ah uga dhacay waxa ka mid ah isgoyska Xareryaale ilaa Hotel Daamey, oo fariisimo ay ku lahaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee dhawaan laga soo rarey halkii horey u ahaan jirtey Filla Baydhaba.

Ciidamada dowlada KMG ah, ayaa marka sidan oo kale Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ula beegsadaan weeraro xoogan oo ka dhan ah iyaga, waxa ay bilaabaan in ay u cararaan, meesha ugu dhow ee ay is yiraahdaan waad ku nabad geleysaan, iyaga oo mararka qarkood maciin bida oo uga ciidanka gumeysiga Itoobiya ee ay la shaqeeyaan
wixii war oo danbe kalasoco rabadaan.wordpress.com
liibaan mukhtaar rabadaan

rabadaan1@hotmail.com

Posted in Uncategorized | Tagged: | No Comments »

Iska hor’imaad xoogan oo xilligan ka soconaya isgoyska Xareryaale.

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

ceerigaabo.wordpress.com/18.04.2008
hor’imaad xoogan oo la isu adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa gor dhow oo galabta ah waxa uu ka bilowdey isgoyska Xareryaale ee degmada Wardhiigley.

Iska hor’imaadkan oo aan si rasmi ah loo cadeyn karin cidda uu dhaxeeya,in kastoo ay jiraan warar soo baxaya oo sheegaya in uu u dhexeeyo xoogaga Mujaahidiinta iyo ciidamo ka tirsan kuwa dowlada kMG ah, oo halkaa fariisin ku leh, ayaa waxaa laga maqlayaa rasaasta xoogan ee la is dhaafsanayo qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Isgoyska Xareryaale ee degmada Wardhiigley ayaa waxa fariisin ku leh ciidamo ka tirsan kuwa dowlada KMG ah ee la shaqeysa gumeysiga itoobiya, kuwaas oo horey ugu sugnaan jirey halkii horey u ahaan jirtey Fillo Baydhabo, balse bilihii danbe fariisin ka dhigtey isgoyska Xareryaale ee degmada Wardhigley.

Wixii warar ku soo kordha iska hor’imaadka kala soco Shabakada ceerigaabo.wordpress.com Insha Allah. 4.2008

Posted in Uncategorized | No Comments »

Munaasibada maalinta dhirta oo lagaxusay muqdisho

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

Munaasabada Maalinta Dhirta Aduunka oo laga xusay Muqdisho,dawo sawirada

Muqdisho 18/April/2008 ceerigaabo.wordpress.com

Munasibad lagu weynaynayo Maalinta Dhirta Aduunka oo ku beegan maanta 17-ka April ayaa si weyn looga xusay magaalada Muqdisho, waxaana ay ka qeyb galay mas.uuliyiinta labada gole ee dowlada.

Munasibadan loo sameeyey maalinta dhirta ayaa waxaa si gaar ah usoo agaasintay wasaarada Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ahna Sii hayaha Wasaarada Xanaanada Xoolaha dhirta iyo Daaqa Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye.

Xaflada lagu weyneynayay Munsabadan Maalinta Dhirta Aduunka oo lagu qabtay Guriga Hooyooyinka ee Degmada xamar weyne, waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wasaare Kuxigeenka Ahna Wasiirka Cadaalada iyo arrimaha Diinta Prof. saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka Gaashaandhiga Mr Muxidiin Xaaji, Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow, Taliyaha Ciidamada Asluubta Gen. Cabdullaahi Cali Cumar iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Banaadir.

Wasiirka Haweenka iyo Arimaha Qoyska Khadiijo Maxed Diiriye oo hada ah Ku simaha wasaarada Dhirta oo hadal ka jeedisay munaasabadii maanta ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la ilaaliyo dhirta dabiiciga ah taasoo bey tiri wax ay u baahanyihiin dadka iyo duunyada.

Waxa ay tilmaantay in lagu wado dhirta xaalufin aad u baahsan isla markaana dibada loo dhoofiyo taasina ay keeneyso nabaad guur ku yimaado dhirta Soomaaliya.

Waxa ay ugu baaqaday Ciidamada Ethiopia iyo kuwa AMISOM in ay ka hor is taagaan dadka ka ganacsado dhoofinta dhirta in ay ka dhoofiyaan dekeda iyo Airport dalka, waxayna xustay in Dhuxuso dhoofinteeda ka socoto Dekedo macmal ah oo ku yaala Gobolada Dhexe iyo Koonfurta Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Kuixgeenka ahna Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Diinta oo isna ka hadlay Munaasabadaas ayaa waxa uu diirada ku saaray arrimaha sicir bararka oo uu sheegay in ay ka dhalatay xaalufinta lagu hayo Dhirta.

Waxaa uu Ra’iisul Wasaare Kuxigeenku sheegay in diidista lacagaha ay dhib weyn ku tahay kuwa diidaya iyo kan loo diidayo, isagoo ugu baaqay ganacsatada in ay u dhaxaan shacabka.

Mas’uuliyiintii ka qeyb gashay Munaasabada ayaa waxay Dhir kala duwan ku aaseen qeybo ka mid ah wadooyinka, waxaana Xubnaha maanta ka qeyb galay Xaflada ay soo dhoweeyeen tallaabooyin ballaaran ee lagu doonayo in lagaga hortago jarista dhirta.

Sidoo kale erayo iyo suugaan ka turjumeysa waxyeelada ay leedahay dhir jaristu ayaa maanta lagu soo bandhigay xafladii lagu maamuusayay maalinta Dhirta Aduunka, waxaana ka qeyb galayaasha ay sare u hayeen caleemo iyo dhir qoyan oo la sheegay in lagu talaalayo qeybo ka mid wadooyinka, si dhirtu ay noqoto mid nolosho wanaajiso.

Taliyaha Ciidamada Asluubta, Jen. Cabdulaahi macalin , Muuse Suudi, Salim Caliyow Ibrow iyo Wasiirka Gaashaandhiga Muxudiin Maxamed Xasam

 

Posted in Uncategorized | No Comments »

Q.m oocodsatay in magangelyo lasiiyo ciidan keeda

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

Barnaamijka Cuntada ee Q.M ee WFP ee Jarmalka ayaa ugu Baaqay Mas’uuliyiinta Maamul Goboleedka Puntland in ay damaanad qaadaan amaanka shaqaalaha Hay’adaha Bani aadamnimo, iyaga oo tilmaamay in ay amaan daro baahsan ka jiraan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya.

2 ka mid ah shaqaalaha hay’ada ugu qaabilsan Q.M arimaha qaxootiga ee UNHCR ayaa ka badbaaday 6 bishan rasaas ay u ku fureen dableey hubaysan baabuur ay wateen shaqaalahaasi.

WFP ayaa shaaca ka qaaday ka dib Bayaan ay ka soo saartay Nairobi in weerarkaasi oo lala beegsaday waxay ku tilmaantay ururo aan ka tirsan DFKMG ah iyo hay’ado samafal ah ayaa keentay ayaa lagu yiri bayaanka in hoos u dhac weyni ku yimaado shaqaalihii ajaanibta ahaa ee ka howl-gali jiray Gobolka.

Bayaanka ayaa lagu yiri “waxaan ugu baaqaynaa maamulka Puntland in ay qaadaan talaabooyin wax ku ool ah oo loogu damaanad qaadayo amaanka shaqsiyaadka ka shaqeynaya kalmeynta dadkaasi”. Iyada oo intaa la raaciyay in maamulka Puntland looga fadhiyo in ay joojiso weerarada lagula beegsanayo shaqaalahooda suuqyada isla markaana ay maxkamada soo taagaan kuwa falalka noocaas oo kale ah ka dambeeya.

“ Beesha Caalamku aad buu wal-wal uga qabaa xaaladaha cakiran ee amaan darada ah ee ka jirta Puntland” ayaa lagu yiri Bayaanka

Qoraalkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo wali qafaalasho lagu haysto 2 ka mid ah shaqaalaha reer galbeedka oo u kala dhashay Kenya iyo Ingiriiska oo la sheegay in ay WFP uga shaqeyn jireen Dalka hindiya
rabadaan.wordpress.com
rabadaan1@hotmail.com

Posted in Uncategorized | No Comments »

Iska hor’imaad u dhaxeeya labo maleeshiyo oo ka dhacay degmada Afgoye ee G/Sh.hoose

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

Hal qof ayaa ku geeriyooday 2 kalana waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii maanta uu iska hor’imaad maanta ka dhex maray degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelada hoose labo maleeshiyo.

Dagaalkan ayaa yimaaday ka dib markii labo maleeshiyo oo aan la garanayn cida ay ka amar qaataan ay isku qabsadeen dhulkii hore ee ay ku taalay warsadii sameyn jirtay dhagax ee dowladii hore ee Soomaaliya.

Dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay iska hor’imaadkaasi ayaa loo soo qaaday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho iyada oo illaa iyo hadda aysan jirin cida wax ka qabanaysa iska hor’imaadkaasi.

Iska hor imaadka oo goordhaw qaboobay ayaa waxa hakad galay dhamaan dhaq-dhaqaaqii ganacsiga suuqa degmada Afgoye ee Gobolka Shabeelada hoose.

Ma aha markii ugu horeysay oo iska hor’imaadyo noocan oo kale ahi uu u dhaco kaas oo la xiriira muranka dhulkii hore ee dowadii Soomaaliya, mana jiraan illaa iyo hadda cid wax ka qabanaysa ama yaraynaysa isku haysashada dhulkii hore ee dowladii Soomaaliya.

rabadaan.wordpress.com

E.mail.rabadaan1@hotmail.com

Posted in Uncategorized | No Comments »

20 Itoobiyaan ah oo ku waxyeeloobay Qaraxyo ay la beegsadeen Mujaahidiinta MMIS Ciidamada gumeysiga

Posted by ceerigaabo on April 18, 2008

rabadaan.worpress.com

Abaarihii 08:00 illaa 10:00 barqanimo xiliga magaalada Muqdisho ayay Mujaahidiinta Midowga Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed waxay qaraxyo kala duwan oo gaaraya 3 ay la beegsadeen Ciidamada gumeysiga Itoobiya oo marayay goobo kala duwan oo ka mid ah caasimada Muqdisho.

Afahayeenka Ciidamada MMIS C/raxiim Ciise Cadow oo ay shabakadda Beerdhiga la xiriirtay ayaa u sheegay in ay qaraxyadaasi ka dhaceen:- Kulliyadii hore ee Jaale Siyaad, Isgoyska Towfiiq iyo Raadeerka.

C/raxiim oo aanu wax ka weydiinay inta uu la egyahay khasaaraha ay gaarsiiyeen ciidamadaasi ayaa waxa uu sheegay in ugu yaraan ay gaarsiiyeen Ciidamada gumeysiga dhimashooyin iyo dhaawacyo gaaraya marka la isku darao 20 askari.

Afahayeenka ayaa shaaca ka qaaday in ay ogaadeen in Ciidamada gumeysiga Itoobiya ay badaleen qorshahoodii ahaa in ay ku maraan gudaha magaalada baabuur oo ay u badaleen in ay lugeeyaan sidaasi awgeedna uu yiri anaguna waan la badalnay oo waxaan sameynay qorsho kale oo aanu ku ugaarsanayno kuwa lugaynaya.

Qaraxyadan saddexda ah ee maanta barqadii lagu halaagay Ciidamada gumeysiga Itoobiya ayaa ku soo beegmaya iyada oo shalay gaari booyad ahi ay Xoogaga mujaahidiitna Soomaaliyeed qori saban ahi la beegsadeen xili uu marayay agagaarka jiiro garoob ee degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ku basbeeshay booyadii iyo wixii saarnaa intaba.

About these ads

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s