gabayada

Archive for the ‘Qaybta Gabayyada’ Category


(Sahwi)Cilmi Ismail Liibaan “Boodhari”, (Ciidagale)

Posted by ceerigaabo on April 16, 2008

ceerigaabo.wordpress.com
Sidii geel horwayno wax badan hawdka miranaayey
Oo haro la soo joojiyo kuraygu heegaayo
Oo hoobay loo qaaday iyo hadal walwaaleedka

Kolkaad Hodan tidhaahdaanba waan soo hinqanayaaye
Haday hawlyaraan idin latahay aniga way hooge
Ayadoon xabaal lagu hamsiin waanaan ka hadhayne

Hammada beenah marbaan is idha waad la hurudaaye
Jin uun bay haddoodilay miday habar wadaageene
Hareertayda madhan baan is idhi haadso gacanteeda

Kolki aan hubsaday meel cidla ah inaan ku hawshooday
haabhaabadkii dambaan soo hambaabiraye
U haylhaylay gogoshii sidii halablihii aare

Siday iga haleeyeen maryihii hiifay oo tumaye
U hagoogtay sidii geesi ay niman ka hiisheene
U hiloobay sidii wiil la dhacay kadin ay haysteene

U hiqleeyey sidii naag layidhi huray dalaaqdaaye
Wax aanad haynin oo haabsataa habartii weeyaane
Hoheey iyo hoheey maxaa hadimo lay gaystay

Sahwi

Cilmi Ismail Liibaan “Boodhari”, (Ciidagale)

Marka horeba anigaa sahwiyey ina adeeroowe
Ooduba xigtay leedihiyo ubaxa geedaaye
Abtiyaaladay baa ii ekaa inaan adeecaaye

Ammaantii ugaadh Cumar lahaa Ereg maxaa geeyey
Qaar hooyaday u Edo tahoo aad baa jira’e
Allahayoow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday

Ama darayo Oodweyne way omos badnaayeene
aagamo haddii loogu shubo ma engegnaateene
Abaaraa ku doogoobi laa erayadaydiiye

Allahayow afkaygiyo sideen aadmiga u eeday
Iftiinka uma soo baxo ninkii iilka jiifsadaye
Wixii kaa adkaadaaba waa aakhiroo kale’e

Waa laygu eemaray cishqiga inan ku ooyaaye
Allahayow afkaygiyo sidaan aadmiga u eeday
Ahabtaba ma galo ruux hadduu aamin-goys yahaye

Axdigaad ka booddaa janada oodda kaa rogaye
Adigiyo ashahaadaduna waysku Alla seegtaane
Ha u oonsan aakhiro waxaad urursataa yaalle
Caashaqa haween
Cilmi Boodhari (Ciidagale)

Caashaq haween waa hora Caadil soo rogaye
Sayidkii carshiga fuulay iyo Caliba soo gaadhye
Caruurtay sideen meesha iyo ciise nabigiiye

Cidla lagama Beermeen dadkoo cuuddi waaxida e
Waxa qaarba cayn looga dhigay hays cajabiyeene
Soomaalida caado xune iguma caydeene

Oo ima canaanateen sidaan cuud ka iibsadaye
Kuwii ii calaacalayey baan camal tusaalayne
Sida weelka caanaha hadii laabta loo culayo

Bal aan soo cidaadee maxaa cunaha dhaafaaya
Curuuqdiyo maxa kale dhex geli cadaha hoostooda
Ma cidaamkanaan jabinayaa cunaya dhuuxooda

Inaanse cadaydo mooyee waxaan calalsho lay diidye
Caqliga yaa ka biin tuu Illaah ku cir-cadeeyey
Cimrigayga oon jirin intii lagu cirroobaayey

Mugga inaan caddaadaan ka biqi canab daraadede
Cududuhu ma naaxaan qofkay talo ku ciirtaaye
Casharkay wadaadu qoreen cudurkan goyn waaye

Cilmi iyo daawaba doontay oo waayey cilinkiiye
Jeeroonse canabeey ku helo caafimaad dhimaye
Inaan caad noqdaa baa ka roon caawa saan ahaye
Illayn caashaq lama maydhi karo kugu cirrooloobay
Qalanjo

Cilmi Boodhari, (Ciidagale)
Maansadan Cilmi wuxuu tiriyey kadib markii koox hablo a ay isku dayeen inay Cilmi ka gun gaadhaan bal hada Jacaylkan jiif iyo joogba u diiday Cilmi, intuu qoto dheeryey, iyagoo soo ogaaday halka arin kajoog Hodan. Hablahaas oo kusoo tashaday, tii allaale iyo tii Cilmi boogtaa bugta bogsiin karaysa raacdo iyadoon wax xujo a ku xidhin Cilmi. Guri aad u qurux badan oo kuyaala suuqa loo yaqaano (DHALAALWEYNE) ayay kooxdii hablahaa ahaa (oo Cilmi isagu u haystay inay arinka Hodan wax kala wadaan laakin iyagu arin kale wataa) ku casuumeen. intaan la isla gaadhin wakhtigii qadada ayaa hablihii oo labiskii ugu sareeyey xiligaa sitaa cilmi soo dhaweeyeen. Hablii intay midiba gees kasoo fadhiisatay Cilmi ayay kaftan boqola iyo qosol jacayl huriye a midiba mar Cilmi ku taabatay. Nin weyni wedki waa yaqaanaaye Cilmi wuu gartay sheekada meesha ka socota dabadeedna maansadan ayuu Qaafka ka higaadshay.
Hadday ili wax qabanayso o lagu qaboobaayo
Ama qurux la daawado mar uun aadmi ku qancaayo
Aniguba Qadraan soo arkiyo qaararkii Hodane

Wax badan baan qumaati u hubsaday qalanjo naagoode
Ha yeeshee qaraan baa igu galay qalay naftaydiiye
Idinkuna halkii i qoomanayd baad i qabateene

Qalbigaan bogsiinaayey baad qac iga siiseene
Bal qiyaasa waataan qandahday qamareey awgiine
Qalaaxyaha gacmaa iyo junuhu way qarraqayaane

Qosolkaa yaryari waa waxaa nagu qaldaysaane
Inaan eebahay idin qatalin qariya laabtiina
Heeska caashaqa

Cilmi Boodhari, (Ciidagale)

(Gabaygu ma dhamma)

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye
Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye

Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye
Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale
Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey
Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye

Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye
Murugo
CILMI BOODHARI
Nimanyahow gabay waa murti iyo maaran kala waaye
Rag uun baa maroor wax u tusoo kaygu waa malabe
Sida Sheekh mufti ah oo cilmiga meel ku marinaaya

Waw muhanayaa maansadaad mari i leediine
Hadanse madal ka sheegaayo oon walle ku maansoodo
Martuba way ka dhici layd hablaha muxibbo owgeede

Murugada calooshayda iyo muhanka laabtayda
Miyi waxan la tegi waayey iyo madaxdii Daa’uudka
Meeraysigeedii waxaan ula madoobaaday

Nin mataanihiisii gacmaha meel dhigtaan ahaye
Mid kalaa la tegay geenyadii maanku ku xidhnaaye
Muruq kuma kaxaysanine rag buu magansanaayaaye

Haddii aanan mahiiggiyo ka biqin murabidkaa gaalka
Amase aan mashraqo lay sudhayn maalin ma hayeene
Alla magane sow dowladani meesha kama dhoofto

Afartaa intaan miin ka dayey marin ma qaadsiiyey
Mid kalena waa maansaday muhatay laabtaydu
Mariid baa qardhaas loo tolaa meelo la qabtaaye

Mirirbaa la gooyaa cishqaan cidina maareyne
Inantaan naftayda u makalay way i moog tahaye
Mid kalaaba loo meheriyey ooy meel u gogoshaaye

Micna gaabanow dumar inaan malo la waydiinin
Waa waxa martiyo loogu xidhay marada shaydaane
Muxubiyo makaawo wakiil magac waxaan siiyey

Maydhkii khasaaraysay iyo maaddi gabayeede
Waa ii muraadday iyo waxaan uga muraaqoone
Mitaalkeeda waan heli lahaa Maydh haddaan tago e
Mudanihii Cismaan iyo bal aan Maakhir haybsado

wacan oowangsan mahad alleh ba is ka leh

waxan halaka kusoo ururiynay gabayuu halqabi u yahay kalamda (adiga leh ) kalamdaasi wa kalmad aad u qiimo daban waxay gashaa xumaan iyo samaan iyo wax walbaad qof ama shay ahay aad siinaysod marka wax jira gabayobadan oo halaqabsi laaga dhigay kalmada wax ku jira gabayo aaca an iyo gabayo iska ciayag ah oo aan so ururiyey waxaan ug horayanay kan oo dadka badan kiisu jecal yahay waan kan .

gabayga waxa tiriyey abaawna ka magciisa la yoraahdo Abashir nuur faarax wuuxna ka tiriyeyqaadka wax u ka sheegayaan wa wada run markaad firiso .

Qaadka

Abshir nur Faarax (Bacadle)

Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Boqolaal qorshoo wada qabya ah qaadow adigaa leh
Qoys dumaya qayliyo huruuf qaadow adigaa leh

Qalbi qooqan qoora aan waxtarin qaadow adigaa leh
Qardareeye kaadida qul quli qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh

Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Macdan qubta hawshoon laqaban qaadow adigaa leh
Hurda qarow ah soojeed qam qama qaadow adigaa leh

Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh

Qatar caafimaad oo qarsoon qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehel aan latabin qaadow adigaa leh

Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Iska qari cidbaa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Qabri ka hor qandha aan laga biskoon qaadow adigaa leh

Isqandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Ibliis qarowga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Afku wuxuusan ii qaban karayn qaadow adigaa leh

Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Qasad dhaar ah qawl aan la fulin qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadaf iyo been qaadow adigaa leh

Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Qureesh gabara waxa loo qawada qaadow adigaa leh

Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh

Dhaliyara afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Wax ninwayni qaadoo qawada qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh

Xubna qaadiwaa sida qof qalan qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanka aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh

Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qanaaskiyo was waaskaa qarsoon qaadow adigaa leh

Qandaraaska qaatumo xumada qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawsa qodan qaadow adigaa leh
Afqashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh

Af qalala bushima qolof dhacsada qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Qaflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh

Ragoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Indha qoriya qaadirada subax qaadow adigaa leh

Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluub aan xasilin qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqla nimo qaadow adigaa leh

Waa quutul awliyo kidbiya qaadow adigaa leh
Qaamuuska waxa cay ku qoran qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qancayn qaadow adigaa leh

Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shilqoran qaadow adigaa leh

Qiso yaablohooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Qofka daa’imoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qariban qaadow adigaa leh

Ku qasaar macaashkana ku qarow qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac ibliis qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir ugee qaadow adigaa leh

Qaadicu salaadnimo asala qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Lixdankaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatala ka laahuye adigaa qaranka aafeeyay.

GEELA

Cali Abaar

Gabaygana waxa tiriyey abawan ki CALI ABAAR wuxun au tiryey geela ooaha xolah ugu adaga ugan qali san ee somalaida ahan xoolah had iyo jeer laga hadla hayo suuganta somaliyeed iyaga iyo fardahaba markaa isago amanaya wuxu yiri sidatan .

Kun Gaaddada habeed soo marshoo gigi ka yeedhayso
Aan gaar habeen seexanayn geelow adigaa leh
Ku gaaleemadii wada ridood luqunta good mooddo
Oo aan xeryaa soo geleyn geelo adigaa leh

Gaskujire markuu geedo cuno wada garmaameeya
Oo habarti goofaadhi badan geelow adigaa leh
Gurguurtaaga awrkee waqii gurada loo buuxsho
Ee guriga laga soo shixmado geelow adigaa leh

Galawada abeertee candhada labada law geysey
Ee aan gelgelimaa ka kicin geelow adigaa leh
Mid toddoba gu jirayoo mudkiyo kurusku giig beelay
Oo goonni daaqyada eryada geelow adigaa leh

Gabnadaan abiidkeed aqoon gobo’da caanoodba
Ee Ololka giicdaa taqaan geelow adigaa leh
Geydhada martida loo lisee gorofka loo qaado
Ee Gaawe laga soo gingimo geelow adigaa leh

Kii Dayrta wada goojiyoo haatan gucummeeyey
Oo naasku golof duuban yahay geelow adigaa leh

Waxay Gawrar daaqdaba hadday gubato laabteedu
Gendelkiyo haddii loo xidhxidho giringir loo xoodey
Oo ceelki uu gaadan jirey gadawga loo saaray

Oo inan u gaammuray Wadaan ugu garaacaayo
Gogga iyo haddi labada qaar gebi ka weynaado
Oo ay Candhada giijisoo gaax la kici weydo
Caanaha Gadiidkii qotoma geelo adigaa leh

Duq gabawdey oon labada daan gawsna kaga oolin
Oo gaawi laga buuxin jirey gelow adigaa leh

Garteedana hadday laba qabiil meel isugu guusho
Gashigeedu waa belo haddii laysu gaatamo’e
Gadhcaddaagu xaajada hadduu gacan-togaaleeyo
Kii godobta loo naqay hadduu gamasyo soo qaato
Gaajo iyo Haraad iyo naftoo kugu gadoodaysa
Guntiga iyo gaydhaha qabow geelow adigaa leh

Haddii uu nin gabadh doono oo guunyo badan dhiibo
In kastuu Gammaan soo dhuroo gobi is laab raacdo
Gacaladuba waxay saaran tahay sidigta Gooraane
Haddii Gool la qalo oo hilbaha laysu wada geeyo
Gogosha iyo Guurtida fadhida geelow adigaa leh

Iyadoo Hilaac galalac yidhi Garawo soo raacday
Iyadoo daruuraha gabdhamey dibugu soo guurtey
Iyadoo Gargaro meel leh iyo galax bannaan joogta
Guutooyin loo dhuray haddii weerar lagu gaadho

Gudguduudka waaberi haddii galidu soo yeedho
Gurboobkiyo haddii lagu hor dilo gaabka wada naaxay
Galaayuuska qaylada haddii la isku soo gaadho

Anigiyo gankaygii haddaan geeydh ka ledi weyno
Gebagebaha maantaa hadday Good ka ololayso
Maadhiin gawaamiyo hadduu gumuc ka qiiqaabo

Qoluunbay gariimadi ruqdaa oo gebi ku ciiraaye
Gorgor haashinaayiyo dhurwaa gigaya meydkiisa
Iyo goob xun oo rag isku dilo Geelow adigaa leh

QURBAHA

Oday qooxan oo aan iimanba qabin qurboow adigaa leh
Malag u qaysho wax hakuu qabtee qurboow adigaa leh
Quraanka beeni Bible-na qaado qurboow adigaa leh
Jesus qaade oo Ina Ilaah u qaba qurboow adigaa leh
Qiyaamana ma jiro dayaxana waa laqaban qurboow adigaa leh
Qadarkaaga moojiye qabqabta iga daa qurboow adigaa leh

Nin quxuub ah oo aan salaad u qumayn qurboow adigaa leh
Qaboow baa jiree oogada ha iska qoyn qurboow adigaa leh
Masjid qudbi leh oo wiigii mar la qaban qurboow adigaa leh
Jumce quurso Axadna qadari qurboow adigaa leh
Shaqadaa iga qabyaa ee hadhow baan qalayn qurboow adigaa leh
Ha iqaamin qiyaamkana yaree qurboow adigaa leh

Zeko qaadac qaarana bixi qurboow adigaa leh
Qaxar weeye ee quudka ha iska xirin qurboow adigaa leh
Xaj ha qaban qaaradahana dawaaf qurboow adigaa leh
Qasri dhis qadarna uma lihid qurboow adigaa leh
Nin qab wayn lahaa oo doofarka qali qurboow adigaa leh

Tie la qaato oo aan tacab la qaban qurboow adigaa leh
Qoom is qaba oo aan isqadarin qurboow adigaa leh
Reer isqoonsan oo ninku ehelkiisa qaban qurboow adigaa leh
Cayrna qaado miskiina ha isu qabin qurboow adigaa leh
Nin wax soo qaribay oo mucaarad isu qaba qurboow adigaa leh
Muslim quurso gaaladana quruxso qurboow adigaa leh

Qoys la keeno oo hadhow laga qoomamayn qurboow adigaa leh
Shabaab qamiisyo qaba oo aan shilinka quuri karin qurboow adigaa leh
Qurun la qooshto oo aan ceeb loo qabin qurboow adigaa leh
Qiiro laawe aan qalad aqoon qurboow adigaa leh
Barbaar qool leh oo dhegana qaba qurboow adigaa leh
Qof quustay oo qoorta iska xirin qurboow adigaa leh
Nin dikriga qaadi jiray oo daroogada qurqurin qurboow adigaa leh

mahad waxaa is kaleh illaahay
Email:rabadaan1@hotmail.com

bogga gabayada by liibaan mukhtaar

April 20, 2008

Silsiladda Doodwanaag Bahda Somalitalk, iyo bahda Doodwanaag waxay guud ahaan ummadda soomaaliyeed meel ay joogtaba u soo bandhigayaan silsillad suugaaneedkii taabaqaaday ee Doodwanaag.

Silsillad – suugaaneedan cusub ee la magac baxday Doodwanaag, waxay ka mid tahay mirihii ka dhashay safarkii taariikhiga ahaa ee uu abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi ) ku maray qaybo badan oo waddanka gudihiisa iyo dibaddiisa ah, isagoo shacbiga soomaaliyeed ugu baaqayay nabad, iscafin, iyo in ay meel uga soo wada jeestaan danahooda, iyo sidii ay jiritaankooda u dhowran lahaayeen.

waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Inj.Cibaar:

DAWO | DADAAL | DULQAAD
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Inj.Nabaddoon DADNIMO!
DAACADNIMO
DIMOQRAADI
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Shiine:
DARYEEL
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Stanza:
Da’yart iyo Abwaanada
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Anwar:

DELEB |
DeeqEebbe | Dul-Ka-Xaadis
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Xaraare:
DABAQABAD
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Xiirane:
DEEGAAN |
DULMI-DIID
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Bayid:
DAWLAD
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Baarqab
:
DAHAB
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Cabdi-nuur:
DIGNIIN
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Mowliid
DUCO
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Kawtame
DAN-GUUD
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Ibrahim Hawd
DAAWAD
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Kawnayn:
DOONTII
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
kurweyne
DARAJO
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Baarreey

DALJIR
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Cabdi-weli
DUGGAAL
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Xasan Bulxan
DALKA |
DANYAR
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Siyaad
DAREENKA
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Mataan
DADKAYGOOW
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Dhagaafe
DANKAHADAL

| DAWAN | DIIWAAN
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Dailaaf
DEEQA |
DENBILOOW
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Axmed
DARWIISH
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Guulwade
A
llow soo celi
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Cali-Khayr
DA’YAR
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Cali-Mataan
DAYACDIID
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Soofe
DAMIIRYEESHA
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Bile:
DAMAL
waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Suldaan
DOONTII

 

waa   booga   gabayada - xasan cali xasan
Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi

Ujeedada laga leeyahay Doodwanaag, waa sidii dadka loogu baraarujin lahaa in ay ka gilgishaan, isla markaana xal u doonaan, xaalka sii xumaanaya ee ay maanta ku sugantahay guud ahaan ummaddii soomaaliyeed gudaha iyo debeddaba. Waxay suugaantan cusubi ummadda ugu baaqeysaa howl-qabad ku saleysan Alle- ka cabsi, daacadnimo, aqoon, karti, iyo dulqaad . waxayna uga digeysaa falalka aakhiro iyo adduunyo – beelka u horseedaya ee ay aqoondarridu aabaha u tahay sida; dagaalada sokeeye, sadbursiga, ma – shaqeystenimada, quursiga iwm.

Silsillad – suugaaneedkan oo ay ka qeyb qaadanayaan in badan oo ka mid ah suugaanleeyda soomaaliyeed waxay taageero u tahay guud ahaan inta halganka ugu jirta badbaadada umadda soomaaliyeed, ee ka damqaneysa musiibada maanta ku habsatay diintoodii, dadkoodii iyo dalkoodii.

Bahda Doodwanaag waxay aad u soo dhoweyneysaa maansooyinka waafaqsan ujeeddooyinka silsilladda laga leeyahay ee kor ku xusan. Waxay sidoo kale kale gacmo furan ku soo dhoweysaa wixii talo, tusaaleyn, amaba dhaliilo ah iyadoo lagu soo hagaajinayo rabadaan1@hotmail.com

Allaa wayn ninkii Aaminaa awood leh!
Bahda Doodwanaag
Maansooyinka ay ka kooban tahay Silsiladdu waa:

  1. Dawo: w.t Maxamed Cibaar
  2. Dadnimo: w.t Cumar Nabaddoon
  3. Daryeel: w.t maxamuud shiine
  4. Dadaal: w.t Maxamed Cibaar
  5. Daacadnimo: w.t Cumar Nabaddoon
  6. Da’yartiyo: w.t Maxamed Stanza
  7. Deleb: W.t Anwar Maxamed Diiriye
  8. Daawad: w.t Ibraahin Yuusuf Axmed
  9. Dabaqabad: w.t C/qaadir Cabdi Xaraare
  10. Deeq Eebbe w.t Anwar Maxamed Diiriye
  11. Deegaan w.t Cali Maxamuud Xiirane
  12. Dawlad w.t Cismaan Cabdi Bayid
  13. Dahab w.t. umar Maxamuud Maxamed ( Baarqab)
  14. Digniin Culus w.t. Cabdinuur Aadan Faarax
  15. Duco w.t. Mowliid Xasan Curjin
  16. Dayn – qaran w.t. Yuusuf Aw-Xirsi Xuseen
  17. Dan-guud w.t. Cabdi khayr C/qaadir (Kawtame)
  18. Dul-Ka-Xaadis! w.t. Anwar Maxamed Diiriye
  19. DULMI-DIID w.t. Cali Maxamuud Xiirane
  20. DOONTII WAXBARASHADA w.t. Yuusuf Sh. Cumar
  21. Dulqaad w.t. Ing. Maxamed Cali Cibaar
  22. Darajo w.t Cabdullahi Bootaan Xasan (kurweyne)
  23. Daljir w.t. Cali cabdi xasan (Baarreey)
  24. Duggaal W.T: Cabdi-weli Cilmi
  25. Dabiib W.T. Maxamed Bashiir Jaamac
  26. Distuur W.T. C/salaam Cismaan X. Cige (Cige)
  27. Dalka W.T. Xasan Bulxan Cali
  28. Dareenka Bulshada w.T. Siyaad Maxamuud Muuse
  29. Dadkaygoow!W.T.: Cabdicasiis Maxamed Cabdullahi (Mataan)
  30. Dan-ka-hadal W.T: Maxamed Dhagaafe Cilmi
  31. Deeqa W.T. Daahir Dailaaf
  32. Darwiish W.T Axmed Cabdi Geelle
  33. Dawan W.T axamed Dhagaafe Cilmi
  34. Dimoqraadi Waa Kuma? W.T. Nabaddoon.
  35. Danyar W.T Xasan Bulxan Cali
  36. Denbiloow W.T. Daahir Dailaaf
  37. Dib allow u soo celi W.T Inj. Axmed “Guulwade”
  38. Miyaydaan ka diirayn? W.T: Siyaad Maxamuud Muuse
  39. Da’ yar W.t Cali Sh. Cumar Cismaan (Cali-Khayr)
  40. Diiwaan, W.T. Maxamed Dhagaafe Cilmi
  41. Dayacdiid, W.T. Cali-Mataan Xasan Barre
  42. DALIILW.T: Axmed Cabdi Geelle
  43. Boqollaal DambiileW.t: C/Nuur Maxamuud ( qurux )
  44. DamiiryeeshaW.T: C/khayr Sh. Xasan Sh. Soofe
  45. Damal: W.T: Cumar Cabdi Bile
  46. Doontii Badbaadada: W.t: Suldaan

Leave a Reply

Fill in your details below or click an icon to log in:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out / Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out / Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out / Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out / Change )

Connecting to %s